Wax ka ogoow barnaamijkeena fasalada luuqadda
Nidaam casri ah oo kuu sahlaya barashada luuqadda Ingiriiska
Manhajka CEFR waxa uu kuu sahlayaa in aad u baratid luuqadda si nidaamsan oo fudud adigoo sidoo kalana isu diyaarin kara imtixaanada caalamiga ah sida IELTS, Cambridge English, TOEFL, etc
Waxaan dabaqeynaa heerarka kala duwan ee Ingiriiska (A1 - C2) iyo naxwahooda
English A1 waa heerka ugu hooseeya ee luuqadda Ingirisiiska sida uu qabo nidaamka caalamiga ee CEFR. Heerkan waxa uu qofka ku baranayaa jumlada yaryar iyo wadashekeysiga kooban.
English A2 waa heerka hoose qeybtiisa 2aad ee barashada luuqadda. Heerkan waxa uu ardayga baranayaa casharo muhiim oo taabanaya dhinacyo badan oo nolosha ah sida waxbarashada, caafimaadka, socdaalka, isbortiska
English B1 waa heerka dhexe ee luuqadda Ingirisiiska sida uu qabo. nidaamka caalamiga ah ee CEFR. Heerkan waxa uu qofka awoodaa in uu luuqadda u isticmaalo noloshiisa caadiga iyo shaqada inkastoo si dhameystiran aynan aheyn
English B2 waa heerka dhexe qeybtiisa 2aad ee luuqadda Ingirisiiska sida uu qabo. nidaamka caalamiga ah ee CEFR. Heerkan waxa uu qofka awoodaa in uu luuqadda si heer sare ah isagoo dhisan kara jumlada waaweyn sidoo kale ku cabiri kara waxa uu rabo
CEFR English A1: Grammar Course Koorsadani waxaad ku baraneysaa naxwaha luuqadda oo aasaasi ah sida 4 kamid ah 8da qeybood ee naxwaha ugu muhiimsan: Noun, Pronoun, Verb, Adverb iyo waqtiyada (tenses)
CEFR English A2: Grammar Course Koorsadani waxaad ku baraneysaa naxwaha luuqadda oo aasaasi ah sida 4 kamid ah 8da qeybood ee naxwaha ugu muhiimsan: Adjectives, Prepositions, Interjections,iyo waqtiyada (tenses)